U bood dhigaalka

Dadka Oo Ku Dhib-qaba Waddo Marista Iyo Dowladda Oo Aan Sharciyeyn Iskuul Wiido

Sheeko:Dalka

Xal  looma hayo mashquulka wadooyinka caasimadda Muqdisho taasi oo sii adkeyneysa horumar kasta oo laga sameyn lahaa ku dhaqanka sharuucda marista wadooyinka.

Tirada shilalka ayaa aad u sii kordhay sanadihii ugu dambeeyay,  waxaana barbar socda shaqada ilaalada ciidanka waddooyinka oo iyagana qaba dhaleeceen u gaara taas oo la xiriirta waajibaadkooda in si sax ah aysan u gudan .

Tirada iskuullada lagu barto Baabuur wadista kuwaasi oo lagu lamaaniyey cilad bixinta ayaa ku badan Magaalada Mugadishu.

Dadku inay bartaan qaabka gaadiidka loo ka xeeyo mar waa hurumar kaalmaati u ah sharciga marista wasdooyinka,  marna waxay sii adkeyneysaa ciriiriga wadooyinka Magaalada.

Cabdi Shakuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in burburkii dowladdii dhexe ka dib uu bilaabay inuu dadka baro qaabka ka xeynta gaadiidka waxaa uuna sharaxaa qaabka loo maro wadooyinka.

“Waxaan ahay Iskuul wiidada ah ninkii bilaabay, dowladdii ka dib aniga iyo rag badan oo dhallinyaro hadda meesha jooga, waxaan barnaa dadka sharuucda waddooyinka loo maro inkasta oo hadda inta badan aysan isticmaalin dadka wato gaadiidka,  waxaan mar walba ku dadaalnaa inaan soo nooleyno sharuucda marista wadooyinka”.

Inkastoo meel banana oo magaalada ka baxsan una gaara barshada gaadiidka aysan jirin hadana taasi waxaa ay sii xoojineysaa mashquulka wadooyinka hareeraha wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa dad labarayo qaabka loo ka xeeyo gaadiidka.

Cabdullahi Salaad oo ka mida barayaasha dadka bara gaadiid wadista ayaa ka hadlay caqabadaha ku xeeran arrintaani.

“Dowladda nama aysan siinin ama nooma sharciyeenin meel aan dadka gaadiidka ku barno, balse maadaama annaga maamulkeena soo qaban qaabiyey in loo baahanyahay xirfaddaani”.

Cali Xirsi Barre “Cali-Gaab” oo sharuucda wadooyinka bartay dhowr jeerna soo noqday Taliyahay ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa ka waramaya sida ay u arkaan dadka bartay ka xeynta gaadiidka iyo waxa lagala kulmo marka ay soo galaan marinada waaweyn.

“Ninka darawalka ah,  waxaa qadka sharciga saxda ah ku toosiya ninka aqoonta u leh sharciga wasdooyinka marista haduu qalad galo waa laganaaxaa haduu seed kale galo “.

Gaadiidka Muqdisho waa mid aad u badan wasdooyinkana waa kuwo aad u yar maadaama ay xiranyihiin wadooyin badan oo ay mari jireen gaadiidka sababo la xariira amniga.

Mashquulka ka jira wadooyinka ayaa waxaa loo sababeynaa ciidamada ka shaqeeya sharuucda marista wadooyinka oo aad u yar,halka wadooyinka qaar aan laga helin ciidamada ku shaqada leh arrimaha marista wadooyinka,waxayna arrimahaan oo dhan cabsi ku abuurayaan dadka isticmaala wadooyinka.

Goobjoog News