U bood dhigaalka

Dadka Qaba Cudurka HIV IDS Oo u Dhinta Cudurro Laga Daweyn Karo

Sheeko:Dalka

Dadka qaba xanuunka HIV/AIDS ee ku dhaqan magaalada Muqdisho  waxa ay la kulmayaan takoorid marka ay adeeg cafimaad u raadsadaan goobaha  caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ma jiraan  meelo gaar ah oo ay ka heli karaan adeegyadaasi dadka la nool xanuunkan marka laga reebo cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir  oo bukaannada ugu badan Soomaaliya ay ka qaataan dawo kaalmaati ah.

Goobjoog News waxa ay ogaatay inay sii kordheyso walaaca ay qabaan dadkan iyadoo 2014 bukaan qaba xanuunkan uu u geeriyooday xanuun ka soo wajahay kaliyaha  kadibna laga soo diiday in loo fidiyo adeeg caafimaad sida uu Goobjoog u sheegay Maxamed Saciid oo qeybta daaweynta iyo latalinta u qaabilsan dadka qaba xanuunkan ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“horay ayey u dhacday inay la kulmaan dadka qaba Hiv Aids ka inay heli waayaan adeegyada  caafimaad ee ay u baahan yihiin waxaana jirtay in laba sano ka hor bukaan badan ay dhibaato soo gaartay markii laga soo ceyriyay isbitaalada gaarka loo leeyahay oo ay u doontaan adeeg caafimaad hadana wali waxaa jirta xaaladdaasi oo u baahan in wax laga qabto”

Dadka qaba xanunkan oo aad u badan  waxa ay hadda ka walaacsan yihiin helidda gooba caafimaad oo dabooli karta baahiyaha ay qabaan taasi oo ay sheegeen haddii aysan helin inay aminsan yihiin in talaabooyin qatar caafimaad ay ka dhalan karto.

Drs Luul Maxamuud Maxamed waa madaxa caafimaadka cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir waxa ay sheegtay inay jirto xaaladdaasi oo ay ka war hayaan iyadoo xustay in dadkan aysan heli karin adeegyo caafimaad oo ka baxsan midka dawada ah oo iyaga ay siyaan’

“waa wax jira in ay xaalad cusub ay ku soo korortay dadka qaba Cudurka Hiv Aids ka ma jiraan qalab u gaar ah oo dadkan  lagu baaro marka ay ku dhacaan cudurada u baahan baarista oo ay xaq u leeyihiin. waxaana ku adkaata inay ka helaan cisbitaalada adeegyadaas  sababta oo ah waxaa jira oo kaliya cisbitaalada qalab gaar u ah oo ay ku shaqeystaan waxayna ku andacoonayaan  inaysan labo ama hal qof oo qaba Hiv aids inaysan u qasaari karin agabk ay ku shaqeystaan oo ay boqolaal qof oo cudurkan ka bad qaba ay ku baaraan maalin kasta”

Maxamed Saciid  ayaa sidoo kale sheegay inay aad u badan yihiin dhibatooyinka ay la kulmaan dadka qaba xanunkan oo ah kuwa aad u badan taasi uu sheegay inay ka dhalan karto dhibaatooyin marka ay waayaan adeegyada caafimaad ay u baahan yihiin.

“caqabadaha dadkan haysta waa kuwa mudo soo jiray walina wax lagama qaban taasna waxa ay keeni karta in dhib kale ay soo kordhiso waxaan suurtagal ah in dadka qaba xanuunkan inay iyaga faafiyaan cudurkan waxaana ka dhalan kara Qatar  caafimaadk.

Cisbitaalka Banaadir ayaan la ogeyn inay jiraan mashiino loogu talagalay in loo adeegsado baaritaannada iyo dhaqista kalyaha inay yalaan oo ka mid  ah waxyaabaha ay baahida weyn dadkan u qabaan balse aan lagu shaqeynin taasi oo sii adkeyneysa inay helaan adeegyadaasi dadka qaba xanunka Hiv.ga;waxaana arrintan su’aal ka weydiinay madaxa Caafimaadka Cisbitaalka Banaadir Drs luul Maxamuud Maxamed weyna xaqiijisay arrintaasi iyadoo sababtana sheegeysa.

“way jirtaa inaan haysano qalabkaasi balse ma ku shaqeyno oo wali lagama shaqeysiin haddii la yiraahdo ha lagu shaqeeyana waxay u baahaneysaa in loo helo tasiilaadkii lagu dhaqaajin lahaa ma aha waxaan kaliya ku filanahay  ee waa wax u baahan qarash iyo in la rakibo agabkaasi ayey tiri;”

Madaxda Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho oo aan cabashada dadkan ay qabaan wax ka weydiinay way ka gaabsadeen balse waxa ay tilmameen inaysan Cisbitaallada gaarka ah awood badan u lahayn daboolidda baahiyaha dadka la nool xanuunka Hiv Aidska .

Ogaanshaha in qofka uu qabo HIV waxa ay noqon kartaa xilligii ugu adkaa noloshiisa Waxaana shaki ku jirin inuu  la kulmayo mushikilado cusub iyadoo hadda ay soo if-baxayaan caqabadaha badan oo dadkan ka haysta marka ay soo wajahaan xanuuno u baahan baaritaan oo ay dhaqaatiirtu sheegeen inay aad u adag tahay in lala wadaajiyo agabka caafimaad ee lagu baaro dadka aan cudurkan qabin.