U bood dhigaalka

Dadka Qaba Cudurrada Beerka Iyo Killiyaha Oo Looga Digayo Cunista Toonta

Sheeko:Caafimaadka

Toonta qaabab kala duwan ayaa daawo ahaan loogu isticmaalaa, waxaa loo adeegsadaa caafimaadka dhirta iyo kan casriga ah labadaba, laakiin dadka qaar waxaa loogu diidaa xaaladooda caafimaad oo aan u saamaxeyn iyo saameyn ay ku yeelanayso darteed.

Khubarada ayaa sheegaya in dadka qaba dhibaatooyinka caafimaad ee beerka, kalyaha aan lagula talin iney Toonta cunaan, maxaa yeelay waxaa ku jira walxo sun ah oo heerar sare ah, kuwaas oo sii xumayn kara xaaladda bukaanka carqaladna ku keeni kara geeddi-socodka kiimikada ee jirka[dadka dawooyinka qaadanaya].

Toontu sidoo kale: waxay waxyeello u leedahay dadka Shubmaya, sababta oo ah caloosha ayay sii dhaqaajisaa, lagulama taliyo dadka dhiiggu dhacsan yahay iyo kuwa cudurrada indhaha qaba iney cunaan, sababta oo ah dhiigga ayay cadaadiskiisa hoos u dhigtaa, waxayna kordhisaa dareenka xuubka sare ee isha.

Waxaa laga fogeeyaa dadka qalliinka galaya, maxaa yeelay: cufka dhiigga ayay hoos u dhigtaa arrintaas oo xinjirowgiisa yarenaysa, halka dumarka uurka leh iyo hooyada nuujisada ah aan lagula talin saameynta ay ku yeelaneyso oo aan la ogeyn darteed.

Toontu: waxay saameyn taban(negative) ku yeelataa garaaca wadnaha, qanjirrada, xasaasiyadda, xanuunnada beeryaraha, daraasaad dhowaan soo baxday ayaa shaki gelisay kaalinta toonta ee la dagaallanka cudurrada. Laakiin waxaa dhici karta ayay leeyihiin iney ka hortagga cudurrada kaalin wanaagsan ka ciyaarto, maadaama ay xoojiso habdhiska difaaca jirka.

Goobjoog News