U bood dhigaalka

Dadka Saaran Markabka Nawaal 3 Oo Loo Diyaariyay Goobihii La Dejin Lahaa

Sheeko:Dalka

Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Boosaaso ayaa sheegay in ay diyaariyeen goobihii ay kusoo dhaweyn lahaa dadka Soomaaliyeed ee saaran Markabka Nawaal Seddax, kaasi oo kusoo xirtay dekadda Boosaaso.

Gudoomiyaha gudigaasi Sheekh Axmed Yuusuf Daad ayaa u sheegay Goobjoog News in ay jiraan dadaallo dheeraad ah oo loogu gurmanayo dadkaasi.

“Waxaan dul saaranahay Markabka, waxaana ii muuqanaya dad aad u daruufeysan, anaga hadii aynu nahay guddiga gurmadka waxaa naga go’an in walaalaheena aan garab qabano, sidoo kale Puntland iyana dadaalka ugu wanaagsan ayeey wadaa” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Axmed Yuusuf ayaa dhinaca kale ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii ay ku taakuleyn lahaa shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda wadanka Yemen.

Dekadda Magaalada Boosaaso waxaa hadda ka socoto dejinta Dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo laga keenay dalka Yemen, ka dib gurmad loo sameeyay, waxaana tiro ahaan ay dadkaasi ka badan yihiin 2-kun oo qof.

Markabka Nawaal Seddax waxaa ku yaboohay Ganacsade Cabdi Cali Faarax, waxaana uu ugu tala galay in lagu soo daabulo Soomaalida ku dhibban Yemen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News