U bood dhigaalka

Dadka Xoolo Dhaqatada Ah oo Ku soo Badanaya Gudaha Magaalada Laasnaacood

Sheeko:Dalka

Marka aad maraysid Waddooyinka Xaafadaha Laascaanood waxaa dhegahaaga ku soo dhacaya, heesaha geela, maaha geel la waraabinayo, mid la carraabinayo ee waa rag dhismo guri ku dhex jira oo badankoodu magaalooyinka ku cusub.

Markaad dhageysato heesahaa oo aad u fiirsato waxaad dareemaysaa iney yihiin rag geelley ahaa oo heesaha Geela ku fududeysanaya howl maalmeedkooda shaqo.

Maxamuud Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa dadka shaqada dhismaha guryahay ka shaqeeya ayaa Goobjoog uga  warramay halka uu markii hore ka yimid;

“Waxaan ka imid degaanka Uurboobays, geel-jire ayaan ahaa, nolosha Geelu marba waa si, mar wey wacan tahay marka ay barwaaqada tahay ee geelu dhalo ee caanaha la cabayo, laakiin marka ay jiilaalka noqoto ee abaaraha noqoto nolosha Geelu way adag tahay, waxaa dhici karta illaa mar 300Km geela la hayaamiyo oo harraad iyo gaajo badan aad la kulantid”.

Waxa uu nooga sheekeeyay xaaladdii uu miyiga kaga yimid ee ku khasabtay inuu magaalada soo galo, waxa uu yiri; “Xaaladdii aan miyiga kaga imid xaalad aad u xun bay ahayd ha i xasuusin qof aan todobo caano-maal  aanan waxba cunin waxna cabin, xaaladdu mid liidata ayay ahayd, markii dambe waan miyir daboolmay”.

“Geel jiraan ahayn geelii wuu naga guray, masaafo aan taayadii ahaynna waanu joognay meel aanu wax ka cunno waanu weynay geeluna noomuu irmaaneyn, xitaa awood aanu ku qalanno waanu weynay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maxamuud ayaa sheegay inuu markii hore uu geela jeclaa laakiin markii dambe dhibaatooyin iyo abaaro is biirsaday darteed ay ku khasabtay inuu magaalada soo galo oo uu ka mid noqdo shaqaalaha xoogooda kaga shaqeysta dhismaha magaalada Laascaanood.

Si kastaba, shaqaalaha dhismaha magaalada Laascaanood ayaa aad u soo badanaya iyadoo taasi ay dhibaato ku noqoneyso dhaqashada xoolaha oo ka mid ah nimcada uu dalkeennu hodanka ku yahay in ka badan 70% dadkeennu ay ku noolyihiin.

Goobjoog News