U bood dhigaalka

“Dadka Yemen ku Xayiran Waxaa La Ogeysiinayaa in Markabka Lagu Raacayo Lacag La’aan”

Sheeko:Dalka

Waxaa dekada magaalada Mukalla gaaray markabkii Nawal 2 ee laga direy Muqdisho si uu usoo qaado dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran halkaasi, balse wali markabka baroorsinka ma uusan dhigan, isaga oo sugaya inta uu ka helayo boos uu ku xirto.

Sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha Goobjoog ee markabka dushiisa saaran maamulka markabka , gaar ahaan ganacsadihii direy iyo guddiga badbaadada iyo samatobixinta qaxootiga Yemen ayaa waxa ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed ee eheladooda halkaasi ku xayiranyihiin in ay ku wargaliyaan in markabka uu yahay mid lacag la’aan lagu raacayo.

Waxa kale oo dadka laga doonayaa in ehaladooda ama saaxiibadooda Yemen jooga in ay ku wargaliyaan in tagaan dekada Mukallad, islamarkaasina u diyaargaroobaan sidii ay markabka usoo raaci lahaayeen.

Xitaa haddii uu buuxsamo markabka waxa uu meesha u noq-noqonayaa dhawr jeer si uu dadka usoo daabulo. Waxa uu markiiba markabka qaadi karaa illaa labo kun oo qof.

Markabka waxaa lagala xiriiri karaa taleefoonka turaayaha ah ee nambarkiisu yahay 008821644416091, waxaana muhiim ah in la’isku xiro dadka iyo shaqaalaha markabka.

Goobjoog News