U bood dhigaalka

Dadkii ay xoolaha ka dhamaadeen gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo bilaabay tabcashada beeraha

Sheeko:Dalka

Dad badan oo Soomaali ah oo xoolo dhaqato ahaa kuwaasi oo abaaro dhacay ay xoolihii dhaafiyeen ayaa la sheegey in ay bilaabeen tabcashada beeraha, iyaga oo badalaya qaab nololeedkooda.

“Waxaan lahaa 50 neef oo lo’ ah, hadda waxaa ii haray 3 oo kaliya, waxaan lahaa 30 riyo ah, hadda 6 oo kaliya ayaa ii hartay abaarta dhacday darted” ayuu yiri Cabdullaahi Cali oo ka mid ah dadka deegaanka Abaq Dheere oo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Cabdullaahi iyo qoyskiisa ayaa ka mid ah dadka ay xoolihii dhaafeen ee qodashada beeraha u leexdey, isagoo ku biirey iskaashatada beeraha Gaarisa ee Tawakal.

Waxa ay ka midyihiin illaa 20 qoys oo raacato ah oo qodato isu badalay kadib markii ay xoolihii ka dhamaadeen.

Abshir Maxamed Cabdi oo ka tirsan barnaamijka koboca dhaqaalaha ee dhulka saxare xigeena ah (REGAL-IR) oo daraasad ka sameeyey reer guuraaga ayaa sheegey in ku tiirsanaanta xoolaha aysan ahayn mid raagi karta, sidaasi darteedna ay dadka ku qasbanyihiin in ay noloshooda wax ka badalaan.

Iskaashada beeraha waxa ay dadka isku darsadaan  lacag dhan $17 doolar midkiiba, taasi oo lagu dabaro qalabka beeraha, falista iyo waxyaabaha kale sida waraabka beeraha.

Dadkani beerasha ku cusub ayaa waxa la barayaa xirfado ganacsi si ay u suuqgeystaan dalagooda, waxaana dalaga ay beeraan ka mid ah qaraha, yaanyada, basbaaska, bocorka, galayda, muuska iyo basasha.

Waraabka beeraha ayaa waxa uu ka yimaadaa wabiga Tana ee gobolkaasi mara, kaasi oo aanan gurin xiliyada abaaraha.

Xigasho : Wakaaladda Wararka Reuters

Goobjoog News