U bood dhigaalka

Dadkii Dhawaan Kasoo Laabtay Yemen Oo Nolosha Dalka Ku Adkaatay

Sheeko:Dalka

Dalka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan waxaa dhawaan kasoo cararay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, ka dib markii xaaladda dalkaasi ay qatar noqotay.

Inta badan dadkaan oo aan haysan meel ay degaan, sidoo kalena aysan haysan dad ehel ahaan dalka kusoo dhaweeyay ayaa xilligaan waxa ay yihiin kuwo ay ku adkaatay noloshii dalka.

Dhuxul Cali Geedi oo ka mid ah dadkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in qoysas badan oo isaga ka mid yahay soona gaaray magaalada Muqdisho ay ku jiraan xaalad adag oo u baahan in laga caawiyo.

Waxa uu sheegay in lagu guda jiro Ramadaan, islamarkaana dadka qaar xitaa aanay awoodin in ay helaan wax ay ku afuraan.

Dhuxul ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed waxa uu ka dalbaday in ay caawinaad degdeg ah lasoo gaaraan maadaama aysan jirin dad kale oo ay isku haleeyaan.

Shacabka Soomaaliyeed oo ku baraarugay Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan nolosha dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa Yemen, waxaase laga sii doonayaa in dadaalkooda ku daraan caawinta dadkaasi dalka yimid.

Goobjoog News