U bood dhigaalka

Dadkii ka barakacay deegaanka Ceelcadde ayaa billaabay inay dib ugu laabtaan kadib markii ay isaga baxeen halkaasi ciidanka Kenya.

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Ceelcadde ayaa sheegaya in qoysas u badan xoolo dhaqato ay dib ugu laabanayaan Ceelcadde.

Qof ku sugan deegaanka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in  qoysaskii deegaankaasi deganaa ay dib ugu soo laabanayaan.

Dadkan oo markii hore uga salkacay guryahoodii oo ku yaalay degaanka ceelcade  saamayn ka soo gaari karta baqdinta ay ka qabeen dagaal dhaxmara Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ayaa hadda bilaabay inay dib u gurya noqdaan .

Dib u laabashadooda Degaanka Ceelcadde ayaa ka dambaysay markii degaanku ay faarujiyeen Ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugnaa .

Degaankaasi Ceelcade waxaa ku dagaalamay ciidamada Kenya iyo xarakada Alshabab kuwaas oo isku haystay maamulidda deegaankasi .

Arrintaasi ayaa saamayn aan wanaagsanayn ku yeelatay nolosha boqolaal dad ah oo ku noolaa halkaasi kuwaas oo naftu bidday inay ka salkacaan guryahooda.

Goobjoog News