U bood dhigaalka

Dadkii Ka Soo Barakacay Kaxandhaale Oo Ka Cabanaya Xaalado Nolal Xumo Iyo Colaado

Sheeko:Dalka

Dadkii ka soo barakacay degaanka Kaxandhaale eek u yaalla xuduudda gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya ayaa ka cabanaya xaalado dhanka nolosha ah.

Malleeshiyo beeleedyo ay wehlinayaan ciidanka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in weli ay dilal qorsheysan ka geysanayaan degaanno ka tirsan kuwa dhaca xuduudda.

Hooyo Xaliima Aadan oo kamid ah dadkii ka soo barakacay Kaxandhaale welina aan dib ugu laaban ayaa u sheegtay Goobjoog FM in guryahoodii ay ka hortaagan yihiin ciidanka Itoobiya ee Liyuu Booliska.

Waxay sheegtay in xaalado dhanka nolosha ah ay jiraan islamarkaana dadku iminka aynaan heysan wax ay cabaan iyo waxay cunaan toona.

“Hooyo dadkaan ma heystaan wax ay cunaan iyo biyoba waxaana guryahoodii weli heysta dad aan la aqoon oo markii hore ku soo duuley oo dhanka Itoobiya kaga soo gudbay degaannadooda” ayay dhahday Maama Xaliima Aadan Gureey.

Dhanka kale, waxay sheegtay in sababaha ay u laaban la’ yihiin oo dib degaankii Kaxandhaale ay u aadi la’yihiin ay tahay in ciidanka Liyuu Booliska weli ay deggan yihiin guryahooda.

Dadka ka soo barakacay dagaalladii dhowaan ka dhacayay degaannada dhaca xuduudda gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya sida Kaxandhaale iyo Dacdheer ayaa waxaa ay hadda degaansanayaan degaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud halkaasoo xaalado dhanka nolosha ah ay ku heystaan.

Marka laga yimaado dadka barakaca ku ah Mudug iyo Galgaduud ee dhanka xuduudda ka soo hayaamay waxaa sidoo kale in abaaro xooggan ay gobolladaasi ka jiraan kuwaasoo saameeyay dadkii horeyba u deganaa ee xoolaha dhaqanayay.

Ugu dambeyn, dadkaan ayaa maamulka Galmudug ugu baaqay in gargaar uu la soo gaaro islamarkaana xaaladda nololeed oo ay ku jiraan uu wax ka qabto.

Goobjoog News