U bood dhigaalka

Dadkii Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Oo Qaarkood Gaaray Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa gaaray qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Dadkaan ayaa ka mid ahaa, dadkii kasoo degay dekadda Magaalad Boosaaso, waxaana ku jira qoysas Yemeniyiin ah.

Maamulka Jubbaland ayaa dadkaasi kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo, waxaana la dejiyay meel loogu talagalay si loogu gurmado.

“Jubbaland aad ayeey noo soo dhaweysay, anaga waxaan kasoo degnay dekadda magaalada Boosaaso, waxaana gaari nalagu geeyay magaalada Muqdisho, Puntland aad ayeey noo soo dhaweysay, hadana Kismaayo waxaa nagu soo dhaweeyay Jubbaland, aad iyo aad ayaan ugu mahad celinaynaa dadkii nasoo dhaweeyay” sidaasi waxaa tiri Hooyo Soomaaliyeed oo ka mid ah dadkii Kismaayo gaaray.

Dhinaca kale Qaxootiga Yemen ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa iyana sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida loogu soo dhaweeyay magaaladaasi, waxaana ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado.

Goobjoog News