U bood dhigaalka

Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Zoobe Ee Loo Qaadey Sudan Oo Qaarkood Maanta Lagu Soo Celinayo Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan qaar kamid ah dadkii 14-kii October ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Zoobe, gaar ahaan kuwii loo qaaday dalka Sudan.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Khartoum waxaa dadkaan kusoo sagoontiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, ganacsato, ardey iyo sidoo kale mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Sudan.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed C/llaahi Ugaas ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar iyo Sudan sidii ay u garab istaageen shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe oo qaarkood u fidiyeen gurmad caafimaad.

Dadka maanta dib loo soo celinayo waa kuwo ay soo wanaagsanaatay xaaladooda caafimaad, kadib daweyn ay heleen, iyadoo kuwa kalena la filayo markii ay xaaladooda wanaagsanaato in lasoo celiyo.

Qaraxii ka dhacay Zoobe 14-kii October ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 300 qof iyo dhaawaca tiro intaa la eg.

Goobjoog News