U bood dhigaalka

Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ruushka oo Meydkooda La Geeyay St Petersburg

Sheeko:Caalamka

140 meyd oo ka tirsan dadkii ku dhintay diyaaraddii Ruushka ee ku burburtay Sinay ee dalka Masar ayaa la geeyay St Petersburg, halkaas oo ay ku socotay diyaaradda inta aanay burburin.

224 qof oo diyaaradda saarnaa, una badnaa dalkaasi Ruushka ayaa ku dhintay diyaaradda ku dul burburtay Hawada Sinay ee dalka Masar, dadka dhintay waxaa sidoo kale ku jiray 25 caruur ah.

Dhinaca kale Daacish ayaa sheegatay in ay soo rideen diyaaradda arintaas uu beeniyay ra’isul Wasaaraha dalka Masar Sharif Ismaciil.

Wararka waxaa ay sheegayaan in la helay Sanduuqii Madoobaa ee diyaaradda isla markaana lagu wad baaritaan si loo ogaado sababta ay diyaaradda u dhacday.

Goobjoog News.