U bood dhigaalka

Dadweynaha Magaalada Burco oo Biyo Yaraan Ka Cabanaya

Sheeko:Dalka

Dadweyne ku dhaqan magaalada Burco ayaa ka cabanaya  biyo yaraan soo waajhaday magaalada 6-dii bilood ee ugu dambeysay noloshoodana saamayn xoog leh ku yeelatay.

Dadweynahan oo labo jeer oo kala duwan la hadlay warbaahinta, ayaa waxay sheegeen in lixdii bilood ee ugu dambeysay ay ka cabanayeen biyaha ay booyaduhu keenaan magaalada oo qiimohoodu aad u sarreeyo marka loo fiiriyo hayntooda dhaqaale.

Cabdi Warsame oo ka tirsan odayaasha Burco ayaa sheegay in qoyskiisa ay nolol ahaan taabatay biyo yaraanta ka jirta Burco, “ Waxaan ka cabanaynaa biyo yaraan oo maba helno gaar ahaan Lixdii bilood ee ugu dambeysay,  waxa dhacda In booyadda  dalabka ah nagala daahdo inay biyo noo keento qaali haba ahaatee way la daahaysaa oo meel durugsan ayay ka soo dhaaminayaan” ayuu Sheegay Cabdi Warsame .

Cabashadan biyaha ayaa todobaadkii hore mar odayaal  la kulmeen maareeyaha wakaaladda biyaha Burco oo ay weydiiyeen biyo yaraanta waxa sababay  uu ku sheegay  in  labo ka mid ah afar ceel oo magaaladu biyo ka helaysay muddo dheer ay hadda ciladoobeen, balse waxa uu ballan qaaday  in si degdeg ah loo dayactiri doono. Laakiin waxay odayaashani  warbaahinta u sheegeen inaanu waxba ka qabanin  maareeyuhu ballanqaadkii uu sameeyay.

Gobolka Togdheer ee Burco caasimadda u tahay ayaa ah gobol deegaan xoolo dhaqato ahi ku xeeran yahay kaasi oo biyaha yaallaana ayna u wada qaybsami karin dadka iyo xoolaha.

Goobjoog News