U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Billowday Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

War hadda ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu ka socda dagaal beeleed.

Dagaal beeleedka oo u dhaxeeya malleeshiyooyin hubeysan ayaa Goobjoog News loogu sheegay in inuu ka socdo gudaha degmada Caabudwaaq.

Wararka laga helayo Caabudwaaq waxay sheegayaan in qof rayid ahaa xalay lagu dilay halkaasi islamarkaana dagaalkani maanta ka billowday magaaladaasi uu daba socda dagaallo horey halkaas uga dhacay oo u dhaxeeya qabaa’illada deggan degaanka.

Dadka degaanka waxay Goobjoog News u sheegeen in rasaasta dhinacyada hubeysan ay isku adeegsanayaan laga maqlayo magaalada islamarkaana xaaladdu ay aad u kacsan tahay.

Waxaa jira khasaare dagaalka uu geystay wallow illaa hadda aan la helin war sugan maadaama dagaalka weli uu socdo.

Wixii ku soo kordha dib kala soco

Goobjoog News