U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Amniga

Dagaal u abaabulan qaab beeleed ayaa maanta ka qarxay deegaan ku dhow deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhimatay Afar qof oo haweeney ay ku jirto iyadoo ku dhowaad 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Beelahan ayaa la sheegayaa iney isku hayaan arrimo dhul la xiriira iyadoo aanay jirin weli cid kala dhaxgashay maleeshiyada dagaallameysa.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla gobolka Mudug, xaaladuna weli waa ay kacsan tahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News