U bood dhigaalka

Dagaal beeleed ka dhacay tuulada Maandheere

Sheeko:Dalka

 

Dagaal beeleed ayaa waxa uu galabta ka dhacay tuulo lagu magacaabo Maandheere oo hoostimaada degmada Jowhar ee Shabeelada dhexe, Maandheere ayaa  15 KM -na uga beegan dhicana koofur bari.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyey laba beelood oo deegaankan wada dega,  dagaalka ayaa  ka dhashay sida la sheegay muran la xariira dhul beereed waxaa ku dhintay dagaalkan hal qof oo haweeney ahayd waxaana ku dhaawacmay 6 ruux oo kale oo ay  caruuri ku jirto

Ciidamada maamulka SHabeellaha dhexe ayaa kala dhex galay dadkii dagaalamay,  dadkii dagaalkan kusoo dhaawacmay ayaa la keenay isbitaalka intersos ee magaalada jowhar.

Waa markii ugu horeysay oo dagaal beeleed nuucan oo kale ah uu ka dhaco deegaan-ka, dagaal-kan ayaa sidoo kale   kusoo beegmayaa xilli dagaal beeleedyo ay horey uga jireen Gobolka SHabeellaha dhexe.