U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Socda Degmada Wanlaweyn Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad la sheegay in qaab beeleed ay u abaabulan yihiin.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay iney isku haystaan Isbaaro lacag looga qaado gaadiidka oo halkaasi ku taalla, waxaana jira khasaare.

Inta naloo xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey 7 qof iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yihiin sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News