U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Socda Gobolka Sanaag

Sheeko:Amniga

Waxaa xoogeystay dagaal u dhaxeeya Laba beel oo wada deggan gobolka Sanaag, kaasi oo ka socda deegaanno duleedka ka ah degmada Ceel-afweyn ee gobolkaasi.

Dagaalkaan ayaa xooggiisa dhacay shalay gelinkii dambe, waxaana la sheegayaa in saakay rasaas laga maqlayo deegaanka Duud-caraalle iyo deegaanno kale.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey 25 qof, iyadoo dhaawucuna ka badan yahay 30 kale.

Dagaalkan ayaa ah mid soo noq-noqday, iyadoo marar badan ay sidan oo kale Labadan beel u dagaallameen.

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa ammar degdeg ah ku bixiyey in ciidan la kala dhex-dhigo beelahan, mana jirto illaa iyo hadda cid kala dhex-gashay maleeshiyaadkan dagaallamaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News