U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Khasaare Geystay Oo Ka Bilowday Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo gobalka Mudug ee bartamaha dalkaan Soomaaliya ayaa sheegaya in dhanka waqooyi bari ee gobalkaasi uu ka socdo dagaal beeleed.

Dagaalka oo u dhaxeeya Labo malleeshiyo beeleed ayaa ku saleysan Geel la kala dhacay oo labada dhinac ah, waxaana Labada maleeshiyo ay ka soo kala jeedaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ka socda degaanno ku dhow degaanka Sarjimaale oo qiyaastii magaalada Gaalkacyo u jira 35-KM dhanka waqooyi barina ka xiga magaalada.

Labada malleeshiyo waxaa dagaalkaan ku garabsiinaya baabuurta dagaalka oo dadka degaanka laga soo xigtay inay leeyihiin sumad maamul.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa jira oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya iyo dad u badan xoolo dhaqato oo degaankooda dagaalka uu gaaray.

Maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa weli ka hadlin dagaalka waxaana aad u adag helitaanka xaaladda degaanka oo la soo sheegayo in isgaarsiintu ay xun tahay.

Wariyaha Goobjoog News ee Gaalkacyo ayaa ku soo warramaya in khasaaraha inta la og yahay seddex qof ay ku geeriyootay dagaalka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Warkaan wixii ku soo kordha dib kala socda

Goobjoog News