U bood dhigaalka

Dagaal beeleed mar kale dib uga qarxay deegaano ka tirsan Shabeellaha hoose

Sheeko:War

Dagaal  u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta mar kale ka  dhacay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaladan waxa ay ka dhaceen Deegaanada Nambar 50, Ceel wareegow, Buush-ka iyo tuulooyin kale oo ka mid ah isla Gobolka.

Dad ku sugan Deegaanada ay ka dhaceen dagaaladan  ayaa sheegay in  Qoysas badan dantu ay ku  riixday in ay isaga barakacaan guryahooda.

Wariyaha  Goobjoog FM ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdi Xasan  ayaa soo sheegaya in dagaalka Maanta deegaankaasi ka dhacay uu la mid yahay dagaaladii  ku salaysanaa qabaa’ilka ee hakadka galay.

Dad goobjoobayaal ayaa sheegay in ay arkeen tiri dhowr qof oo meyd ah, balse aan la sheegin cadadkooda.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa qani ku ah wax soo saarka beeraha iyo xoolaha, taasoo keentay in uu soo bato is qabqabsiga ka dhaxeeya beelaha wada dega gobolka.