U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed: Weerar Khasaare Dhaliyey ayaa Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa weerar khasaare kala duwan dhaliyey oo habeenkii xalay ka dhacay duleedka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kaas oo maalmihii tagay ay ku dagaalameen maleeeshiyo beeleed

Weerarka ayaa yimid kadib markii labo maleeshiyo beeleed mid ka mid ay dhaawac u geysteen gabar la sheegay in ay xoolo la joogay duleedka deegaanka Xananbuure shalay galinkii dambe, dhaawac ayaana soo gaaray

intaas kadib ayaa waxaa  dhacday in wiilal la dhashay gabadha iyo kuwo ku heyb ah  iyagoo ku siijeeda Cadaado in wadada u gaalaan maaleesho beeleedkii kale, iyagoo dilay gabadhii dhaawaca ay aheyd  dhaawacna  u geystay 4 wiil.

Dhaawaca afarta ruux iyo meydka gabadha ayaa la geeyey Isbitaalka guud ee magaalada Cadado, meeshiyaadkii weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, deegaanka ayaana maalmihii dambe waxaa ka jiray xiisado dagaal.

Deegaanka Xananbuure ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo dhex mara labo maleesho beeleel oo deegaanka wada dega, waxaana jirin wax waan waan ah oo laga gaaray dagaalkaan oo deegaanka mudo kusoo laab laabtay.

Goobjoog News