U bood dhigaalka

Dagaal culus oo saaka ka qarxay Baraawe

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya Baraawe ayaa sheegaya in saakay uu dagaal culus ka qarxay gudaha degmada.

Dadka ku nool Baraawe ayaa soo sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas aad u xoogan iyo madaafiic dagaalka la isku weydaarsanaayay, waxaana ay tilmaameen in dagaalka uu ka dhacay kontaroolka magaalada laga soo galo iyo wado ku aadan dhanka xeebta oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dageen.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdulqaadir Siidii ayaa u sheegay laanta afka soomaaliga ee BBC-da in ay ciidamada huwanta ay xabado u rideen dhanka badda kadib markii ay ka shakiyeen in ay ku suganyihiim dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa shalay oo axad ahayd si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada xarunta wayn u ahayd Al-shabaab ee Baraawe iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka xarakada Al-shabaab oo ku saabsan dagaalkan.

Qoysas fara badan oo ka cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalka ayaa isaga qaxay degmada Baraawe.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM