U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Buulo Mareer, Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararku ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay weerar ku qaadee saldhigyo ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaankaasi.

Hal qof ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaasi ku dhintey Labo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaasi ku dhow.

Dhinacyadii dagaallamay wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkooda, maantana xaaladdu waxa ay tahay mid deggan.

Goobjoog News