U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Muuri, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay deegaanka Muuri ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen deegaankaasi, gaar ahaan fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi, waxaana dhacay dagaal saacado socday.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan Labo qof oo kamid ah dhinacyadii dagaallamay ayaa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawac uu jiro, balse lama hayo tirada dadka ku dhaawacmay dagaallkaasi.

Xarakada Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin internetka waxay kusoo qoreen in ay la wareegeen deegaanka Muuri oo dagaal ay uga saareen ciidamada Al-shabaab.

Sidoo kale waxay sheegeen Al-shabaab in ciidanka dowladda ay ka qabsadeen saanad Miltari waa sidey hadalka u dhigeene.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Shabellaha Hoose kama aaney hadal dagaalkaasi iyo sheegashada Xarakada Al-shabaab, balse xaaladda waa ay deggan tahay.

Deegaanka Muuri ayaa qiyaastii 13 Km dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News