U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Ee Sool

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo kuwo la sheegay iney ka tirsan yihiin jabhadda la magac baxday xoreynta SSC ee Khaatumo ayaa ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ugu yaraan Saddex qof ayaa dagaalkaasi ku dhaawacantay, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas culus.

Korneel Axmed Xabashi oo ka tirsan jabhaddan ayaa u sheegay Goobjoog in dagaalkan uu dhacay abbaare 1-dii habeennimo ee xalay, weerarkuna ay iyagu qaadeen.

Wuxuu tilmaamay in Somaliland ay duulaan ku timid Sool, inta ay ka baxayaanna ay wadi doonaan dagaallada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga waxaan nahay jabhad deegaanka ah, weerarka sidan ah waan sii wadi doonnaa, waxaana ku soconnaa waddo xaq ah” ayuu yiri Korneel Xabashi.

Dhanka Somaliland wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan, hase ahaatee waxaa horey deegaankaasi isku hayey ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland.

Goobjoog News