U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Balcad, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin galbeedka degmada Balcad, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda ayaa sheegay iney iska caabiyeen Al-shabaab, ayna ka dileen dhowr dagaalyahan, balse tirada rasmiga ah ee dadka waxyeellada kasoo gaartay dagaalkaasi lama hayo.

Xaaladda degmada Balcad ayaa ah mid deggan, hase ahaatee ciidanka dowladda ayaa ku baxay deeganno ku dhow degmadaasi oo ay howlgallo ka wadaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News