U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Buul-burde Ee Hiiraan

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee degmadaasi.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, Al-shabaab ayaa weerar waxay kusoo qaadeen ciidanka halkaasi ku sugan, hase ahaatee waxa ay la kulmeen iska caabin aad u xooggan.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo uu socday ku dhowaad Hal saac.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Buulo-burde ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgal ballaaran ka wadaan degmadaasi iyo nawaaxigeeda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News