U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Ceel-waaq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa ka dhacay duleedka degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Al-shabaab iyo sidoo kale ciidan la sheegay inay ka mid ahaayeen kuwii Barre Hiiraale hogaamin jiray islamarkaana aan dowladda ka tirsaneen.

Sahal Macalin Aadan oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Ceel-waaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalkan uu billowdaya abaare 1–dii saq dhexe ee xalay, islamarkaana khasaare uu soo gaaray dhanka Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab laga dilay 6 qof sidoo kalena hub laga qabsaday waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in uu dhaawac soo gaaray sarkaalkii hogaaminayey ciidanka Barre Hiiraale kaasi oo lagu magacaabo Aadan Koronto.

“Ciidan beeleedkii uu hogaaminayey Barre Hiiraale oo aan ka mid ahayn dowladda Federaalka sidoo kalena aan ka mid ahayn kuwa Jubbaland ayaa xalay lasoo weeraray waxaana soo weeraray Al-shabaab, khasaare ayaana loo geystay Al-shabaab, waana lagu sii raadjoogaa” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceel-waaq.

Xarakada Al-shabaab kama aysan hadal dagaalkaan lagu qaaday ciidanka Barre Hiiraale iyo waxa ka jira khasaaraha la sheegay in ciidankoodu uu soo gaaray.

Goobjoog News