U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Qanadala, Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada maamulka Puntland iyo dagaalyahanno sheegtay iney yihiin Daacish ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Qanadala ee gobolka Bari.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi ay qaadeen ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa badda oo dhanka xeebta weerarka ka qaadey.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, xilliga oo habeen ah iyo sidoo kale in la helo isgaarsiinta degmadaasi oo aad u adag awgeed.

Dagaalkan ayaa socday in ka badan Labo saac, waxaana la sheegay in Labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus.

Warar kale ayaa sheegaya in kahor inta aanu dhici dagaalkan in degmada Qandala ay ka dhaceen duqeyn la sheegay iney geysteen maraakiib dhanka badda ku sugnaa.

Saraakiisha ciidamada Puntland weli kama aaney hadal dagaalladan ka dhacay Qandala, hase ahaatee maalmihii ugu dambeeyey waxaa degmadaasi ka jirey dhaqdhaqaaqyo ciidan oo Labada dhinac ay kala wadeen.

26-ka bishii October, 2016, dagaalyahanno sheegtay iney ka tirsanyihiin ururka Daacish ayaa la wareegay degmada Qandala ee gobolka Bari.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News