U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere Ee Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalkaan oo dhacay gelinkii hore ee shalay iyo habeen hore ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay ka dib markii weerar ay halkaasi ku qaadeen ciidamo ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay Shan qof oo dhinacyadii dagaallamay ka kala tirsan iyadoo dhaawac uu intaasi ka badan yahay.

Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay Aadan Cabdi oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-shabaab.

“Weerarka waxa ay nagu soo qaadeen xilli saq dhexe ah, ciidamada wey is difaaceen, khasaare ayaa soo gaaray Al-shabaab” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, hase ahaatee xaaladda degmada Qansaxdheere ayaa ah mid aad u degan.

Goobjoog News