U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Wanlaweyn Ee Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa saakay waaberigii wuxuu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkaasi ku dhinteen Shan qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Ciidanka DFS ayaa ku baxay maleeshiyaadkan isku haya degmada Wanlaweyn, inkastoo hadda aanu socon wax dagaal ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, taana ay kordhisay cabsida ah in mar kale la dagaallamo.

Beelahan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ayaa horey waxaa loogu guuleystay in la kala dhexgalo, wallow aan la ogeyn waxa hadda dagaalkan dib usoo celiyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News