U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Warsheekh Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagala u dhaxeeyay ciidamada Milatariga dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka degmada Warsheekh ayaa goor dhow ka dhacay degmadaasi.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in Labada dhinac ay rasaas culus isku adeegsadeen, waxaana halkaasi ku dhintey Hal askari oo ka tirsanaa maamulka degmada Warsheekh, iyadoo dhaawacna uu jiro, balse lama oga dhaawaca inta uu la egyahay.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu daba socdo muran habeenkii xalay ahaa soo kala dhexgalay Labada dhinac, kadib markii ay isku qabsadeen arrimo la xiriira Kontaroolka laga soo galo degmadaasi.

Warar madax banaan oo ay Goobjoog ka heshay dad ku dhow maamulka degmada Warsheekh ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga ay kahor yimaadeen Isbaaro la dhigay meel ku dhow degmada Warsheekh.

Taliyaha ciidamada Milatariga ee ku sugan Warsheekh Qoondhe ayaa Goobjoog si kooban ugu sheegay in la weeraray ciidankiisa, balse wixii faah faahin ah uu dib ka bixin doono.

Dhanka kale mas’uul ka tirsan maamulka degmada Warsheekh, kana gaabsaday magaciisa ayaa isna u sheegay Goobjoog News, in ciidamada Milatariga ay weerar ku qaadeen hoyga guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka degmadaasi, sidaasina dagaalka uu ku dhacay.

Labada dhinac ee dagaallamay ayaa isku horfadhiya bartamaha degmada Warsheekh, iyadoo shacabka ay ka barakaceen halka lagu dagaallamay.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh Shiidka ayaa ku maqan dalka Sacuudiga, iyadoo weli aan lahayn faah faahin kale oo intaan dhaafsiisan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News