U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka B/weyne

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa AMISOM ayaa maanta ka dhacay deegaanno duleedka ka ah magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka waday deegaannada Luuq Jeelow iyo Gambarlaawe ay weerar kala kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Lama soo sheegin dagaalkaasi illaa hadda khasaaraha ka dhashay, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in daqiiqado dhowr ah uu socday.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee Hiiraan Maxamed Cumar Cabudlle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney iska difaaceen dagaalyahannadii weerarka kusoo qaadey, islamarkaana howlgalka ay meeshiisa kasii wadeen.

Deegaannada howlgalkaan ay ka sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa xilliyada qaar waxaa soo weerara ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News