U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye, Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Cumar Dheere oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Kolonyo ay la socdeen ciidanka DFS, kuna wajahnaa deegaanka Sabiib ayaa la sheegay in jidka ay u galeen dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacad ka badan socday.

Lama oga khasaaraha Labada dhinac soo kala gaaray inta uu la egyahay, balse waxaa la sheegayaa inuu khasaare jiro.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee Shabellaha Hoose kama aanay hadal dagaalkan, sidoo kale ururka Al-shabaab wax war ah kama aanu soo saarin dagaalkan ay la galeen ciidanka dowladda.

Xaaladda deegaanka Cumar Dheere ayaa ah mid aad u deegan, iyadoo ciidanka dowladda ay socdaalkooda sii wateen, islamarkaana ay gaareen deegaanka Sabiib.

Al-shabaab ayaa weeraro gaadmo ah mararka qaar ku qaadda ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News