U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Garoonka Diyaaraha Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ayaa laga helayaa dagaal la sheegay inuu xalay ka dhacay duleedka  garoonka diyaarada ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamul goboleedka Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabab ay soo weerareen ciidamada AMISOM ee katirsan wadanka Jabuuti, kuwaas oo kusan gudaha iyo duleedka Garoonka.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug,

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowaldda ee ku sugan Garoonka ugaas Nuur ayaa sheegay in ciidamada AMISO ay fashiliyeen weerarka ay soo qaadeen Al-shabab sida uu hadalka u dhigay.

“Cidamada ayaa helay xogta ah in d Al-Shabaab ay maleegayeen weerar ka dhan ah garoonka diyaaradaha, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka hortagaan oo ay fashiliyeen weerarka” ayaa yiri mar uu la hadlay radio qaranka.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa magaalada ujira qiyaastii 15KM, waxaana ku sugan ciidamo ilaalo ah kuwaas oo u dhashay wadamada Jubbuti iyo Itoobiya iyo kuwa xoogga dalka qeybta 21-aad.

Goobjoog News