U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkan yaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo howlgal amniga lagu sugayey ka waday deegaankaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, dagaalkan ayaa ahaa mid aad u xooggan oo la isku adeegsaday hub culus, lamana oga khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, iyadoo xaaladda ay tahay mid yara deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News