U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidan la sheegay iney ka wada tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Shaw oo dhanka Galbeed ka xiga magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan oo aan la shaacin sababta ka dambeysay inuu billowdo ayaa wararku waxay sheegayaan in  uu socday ku dhowaad 2 saacadood.

Dagaalka oo xalay dhacay ayaa la tilmaamay in ay ka dhasheen khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, balse tirada rasmiga ah lama hayo.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in dagaalkii dhexmaray dagaalyahannada Al-shabaab uu ku dhintay guddoomiyahii ururkaasi u qaabilsanaa deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dadku dhaqan deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan waxaa soo wajahay cabsi ah in dagaalkaasi uu saameeyo.

Al-shabaab weli wax war ah kama aaney soo saarin dagaalkan dhexmaray ciidankooda, khasaaraha ka dhashay iyo sidoo kale sababta ka dambeysay.

Goobjoog News