U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidan ku sugan duleedka magaaladaasi uu maanta gelinkii hore halkaasi ka dhacay.

Ciidamada Kenya ayaa marka hore la sheegay in madaafiic ay ku garaaceen deegaanka Sabca Asharaaf ee duleedka ka ah magaalada Kismaayo, iyaga oo ugu dambeyn la sheegay in halkaasi ay weerareen.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdirashiid Macalin Gaas oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalkaan lagu soo qaaday iyaga oo ah ciidamada dowladda islamarkaana ay iska difaaceen ciidankii soo weeraray.

Waxa uu sheegay sarkaalkaan in halkaasi ay ku dhinteen 2 ka mid ah ciidankii soo weeraray waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo, waxaa nasoo weeraray ciidamo qaab beeleed u ababulan iyo Kenyaaatiga xoogga ku haysta magaalada Kismaayo, annaga difaac baynu ahayn waana iska caabinnay” ayuu yiri sarkaal C/rashiid Macallin Gaas.

Dhinaca kale saraakiil ka mid ah ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay la dagaallameen ciidan ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo is abaabulayay.

Goobjoog News