U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo, J/hoose

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xooggan oo ciidanka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Cabadalle Biroole ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay sheegeen dad ku dhow halka lagu dagaallamay, dagaalyahanno Al-shabaab ah ayaa weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ku leeyihiin deegaankan oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa socday in ka badan saacad, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas xooggan, iyadoo lasoo sheegayo khasaare ka dhashay dagaalkaasi.

Ugu yaraan Saddex qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoo dhaawac badan uu jiro.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland waxa ay ka gaabsadeen iney faah faahiyaan khasaaraha, balse waxay sheegeen in ay Al-shabaab khasaare xooggan u geysteen.

Ururka Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen in ay dileen askar Jubbaland ah, sidoo kalena ay qabsadeen saanad ciidan, balse ma jirto cid kale oo madax-banaan, islamarkaana warkan xaqiijineysa.

Ciidanka Jubbaland ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka wada deegaanka Cabdalle Biroole, waxaana halkaasi gaaray ciidamo kale oo aad u badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News