U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa uu ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ku lahaayeen halkaasi, iyadoona khasaare uu ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka war hayeen weerarka Al-shabaab, islamarkaana ay iyagu ka hortageen oo ay fashiliyeen waa sida ay hadalka u dhigeene.

Sidoo kale saraakiishaan ayaa sheegay in Al-shabaab ay ciidan ka dileen, sidoo kalena ay hub ka qabsadeen, walow aanay jirin warar madax banaan oo arintaasi xaqiijinaya.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal, hase ahaatee waxaa jirta warar sheegaya in Al-shabaab sidoo kale ay isku dayeen in weeraro ku qaadaan dhanka garoonka magaalada Kismaayo, inkastoo xaaladda saaka ay tahay mid degan.

Guud ahaan lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay inta uu la egyahay, waxaana socda howlgal ay wadaan ciidamada Jubbaland.

Goobjoog News