U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Baay

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka DFS, Al-shabaab ayaa Labo jiho weerar kaga soo qaady saldhig ay ciidankan ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Waxaa jira khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkan, balse lama oga inta uu la egyahay.

Ciidamo gurmad ah oo gaaray halkaasi ayaa u suurtagashay iney dib u celiyaan Al-shabaab, iyadoo hadda xaaladdu ay deggan tahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News