U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bakool

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwo taabacsan Sheekh Mukhtaar Roobow oo u xiran DFS iyo Al-shabaab oo dhan ah ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobolkaasi.

Ciidanka K/galbeed iyo kuwa Roobow ayaa la sheegay iney ku baxeen deegaanno ku dhow Tuulada Abal halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Maxamed Macallin, guddoomiyaha degmada Xudur ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay ka saareen deegaanno dhowr ah, islamarkaana bur-buriyeen saldhigyo urukaasi lahaa.

“Waxaan qabannay degaanno ay nabad diidka dadku ku dhibaateyn jireen, waxaan ka bur-burinnay saldhigyo waaweyn oo ay iska soo abaabuli jireen, hubna waa laga qabtay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan la sheegay in lagu gaarsiiyey khasaaraha badan.

Deegaanno badan oo gobolka Bakool ah waxaa maamusha Xarakada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay go’doon geliyeen degmooyin ku yaalla gobolkaasi.

Goobjoog News