U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Labadulle oo qiyaas ahaan 25-km dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyeed.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Lix qof oo u badan dhinacyadii dagaallamay, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 15 kale, sidey inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halkii lagu dagaallamay.

Dhanka kale, wararka maanta naga soo gaaray deegaankii lagu dagaallamay ayaa sheegay in ay ka taagan tahay xiisad dagaal, mana jirto cid kala dhex-gashay dhinacyadan is haya.

Maleeshiyaadkan is haya ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxa dagaalkooda uu ka bilowday, iyadoo weli ay xaaladdu tahay mid aad u cakiran.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News