U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sool

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo sidoo kale kuwa uu hoggaaminayey Korneel Faysal Falaalug ayaa maanta ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Sool.

Ciidamada Falaalug ayaa jidka u galay kolonyo ay la socdeen ciidanka Milatariga Somaliland xilli ay marayeen deegaanka Gambadhe oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Laascaanood.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee waxaa jira howlgallo ay wadaan ciidamada Somaliland.

Ciidankii weeraray kuwa Somaliland ayaa dib u laabtay, xaaladuna waxa ay tahay midda deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News