U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Hiiraan

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad isku abaabulay qaab beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Warardheer oo qiyaastii 60-km dhanka Koonfur kaga began degmada Matabaan ee Hiiraan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey 9 qof, iyadoo dad ka badan 10 ay ku dhaawacmeen.

Sidey sheegeen dadka deegaanka, dagaalkan ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaad ay jidka u galeen gaari ay dad shacab ah la socdeen, kadibna rasaas ay ku fureen gaarigaasi ay khasaare dhimasho ah ka dhalatay.

Ciidamada DFS ayaa ku baxay halka dagaalkan uu ka dhacay si ay u kala dhex-galaan maleeshiyadkan is haya, iyadoo xaaladduna weli tahay mid kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordhakala soco wararkeena kale

Goobjoog News