U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Magaalada Marka

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararku ayaa waxay sheegayaan in weerarka dagaalkan ay lahaayeen Al-shabaab, iyadoo dagaalka xooggiisa uu ka dhacay xaafadda Ruusiya ee magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dagaalkaasi uu socday in ka badan Hal saac.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sheegay iney jirto waxyeello badan oo soo gaartay dadka shacabka ah, kadib markii rasaas badan ay guryahooda ugu tagtay.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkana lama oga, hase ahaatee ugu dambeyn Al-shabaab ayaa dib uga laabtay Marka.

Magaalada Marka ayaa dhowaan waxaa dib ugu laabtay shacabkii ka barakacay, iyadoo magaaladaasina marar badan kusoo noqnoqdeen dagaallada u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News