U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaankaasi.

Dagaalka oo xooganaa ayaa socday in ka badan Saddex saac, waxaana jira khasaare dagaalkaasi ka dhashay, hase ahaatee lama oga inta khasaarahan uu la egyahay.

Inkastoo maanta xaaladdu tahay mid deggan ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in ciidanka DFS ay wadaan howlgallo.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo AMISOM wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi.

Goobjoog News