U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Caawa Marko

Sheeko:Amniga

Sida ay sheegayaan warar iminka Goobjoog News ay ka heshay magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa ka socda dagaal laga maqlayo guud ahaan magaaladaasi, waxaana la isku adeegsanayo rasaas culus.

Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Alshabaab ayaa billowday markii dagaalyahanno Xarakada Alshabaab ka tirsan ay weerar ku ekeeyeen baro ciidamada dowladdu kaga sugan yihiin magaalada Marko.

Marko oo ah magaalo xeebeed ayaa dhowaan waxaa Alshabaab kala wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya kaddib howlgal ballaaran oo ay qaadeen.

Saraakiisha maamulka magaalada oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah dagaalka ka bixiyaan, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare.

Dib kala soco wixii soo kordha warkaasi.

Goobjoog News