U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Deegaanka Xeraale Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya malleeshiyaad kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa ka soconaya degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey Seddex qof oo dhinacyada dagaallamaya ah waxaana dagaalkani dagaalkan uu deegaankan ka bilowday maanta oo Khamiis ah duhuradii.

Wararka ayaa sheegaya in degaanka ay maalmo kahor isaga baxeen qoysaskii deganaa kaddib markii ay xamili waayeen dhaq-dhaqaaqyada ciidan.

Degaanka Xeraale ayaa maamulkiisa waxaa isku haya malleeshiyaad degaankaasi u dhashay oo kala taageersan labada maamul ee Galmudug iyo Ahlu-sunna oo siyaasadda gobolka Galgaduud ku muransan.

Dhinacayada ku dagaallamaya Xeraale weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaan, iyadoo xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News